Connect with us

somalilandtoday.com

RSF oo sheegtay inay qorshaynayaan weerarro cusub

focus

RSF oo sheegtay inay qorshaynayaan weerarro cusub

RSF oo sheegtay inay qorshaynayaan weerarro cusub

RSF ayaa sheegtay iney qorshaynayaan weerar kale oo ay ku qaadayaan Magaalada El-Obeid kadib qabsashadooda Al-fasher, iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay cawaaqibka bini’aadantinimo ee ka dhalanaya barakicinta dadka, maadaama Ciidamada RSF ay weli wadaan Dagaalka iyo weerarrada.

Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa hadda gacanta ku haya magaalada El-Obeid. balse labada dhinacba waxay isu diyaarinayaan dagaal culus oo ka dhaca magaaladaas iyadoo Muuqaalo ay iska duubeen Askar ka tirsan RSF, ay ku dhawaaqayaan “Dhammaan ciidamadeennu waxay isugu tageen magaalada Bara” oo u jirta Magaalada El-obeid keliya 40km oo dhanka waqooyi bari ah.

Colaada waxa ilaa haatan ku barakacay In ka badan 70,000 oo qof tan iyo markii xoogagga RSF ay toddobaadkii hore la wareegeen magaalada El-Fasher, oo ah caasimadda gobolka Waqooyi Darfur ee dalka Suudaan

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top