Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Cirro oo waraaqo u diray 193 waddan kana codsaday inay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland

focus

Madaxweyne Cirro oo waraaqo u diray 193 waddan kana codsaday inay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland

Madaxweyne Cirro oo waraaqo u diray 193 waddan kana codsaday inay si rasmi ah u aqoonsadaan Somaliland

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa shaaciyay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), uu waraaqo rasmi ah u diray Hoggaamiyeyaasha 193ka waddan ee caalamka oo ay ku jirto Israa’iil, kuwaasi oo uu ku booriyay inay si rasmi ah u aqoonsadaan madaxbannaanida JSL.

Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA,waxaannu tibaaxay in tallaabadaasi ka turjumayso diblomaasiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee aan leex-leexadka lahayn ee ku wajahan xoojinta masiirka dalka.

Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay xaq u leedahay inay iskaashi caalami ah la yeelato dunida, isla markaana ay sii taabogeliso nabada iyo dimuqraaddiyadda dalkeeda.

Xuseen Deyr wuxuu xusay in muddo ka badan 30 sannadood ay JSL ka soo dhalaashay adkaynta xasiloonida, nidaamkeeda dawladnimo iyo horusocodkeeda dhaqan dhaqaale, iyadoo is bixisay aqoonsi la’aan oo aan helin taageero shisheeye.

Afhayeen Deyr wuxuu bayaamiyay in Qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay tahay mid sharci ah, oo istaraatiji ah oo muujinaya ummad xor ah oo doonaysa inay hantaan mustaqbalkooda isla markaana ay door shariif ah ka qaataan nabadda iyo barwaaqada caalamka.

More in focus

To Top