Connect with us

somalilandtoday.com

Safiirka Ingiriiska Oo Ka Hadashay Musharraxiinta Xidhan

focus

Safiirka Ingiriiska Oo Ka Hadashay Musharraxiinta Xidhan

Safiirka Ingiriiska Oo Ka Hadashay Musharraxiinta Xidhan

(SLT-Hargeysa)-Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Marwo Kate Foster ayaa kulamo ay la qaadatay Madaxweyne Biixi, madaxda Mucaaradka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka kadib si kooban uga hadashay musharraxiinta ay xidhay xukumadda Somaliland.

Waxa ay sheegtay in ay soo dhawaynayso dawladda oo muujisay in ay ka go’an tahay xal degdeg ah oo laga gaadho arrinta Musharraxiinta, islamarkaana dhakhso loo abuuro jawi macquul ah oo ay ku qabsoonto doorashada 31-ka bishan ka qabsoomaysa Somaliland ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka.

Madaxda xisbiyada mucaaradka ayaa maalmihii u dambeeyay walaac ka muujiyay xadhigga Musharraxiinta oo ay sheegeen in ay mugdi galinayso hufnaanta natiijada doorashada.

More in focus

To Top