Connect with us

somalilandtoday.com

Midowga Yururb oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah ITOOBIYA

focus

Midowga Yururb oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah ITOOBIYA

Midowga Yururb oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah ITOOBIYA

Go’aanka golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaray dadka heysta baasaboorka Itoobiyaanka ah.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah wada-shaqeyn la’aanta Itoobiya iyo Midowga Yurub ee ku saabsan arimaha dib-u-celinta Magangalyo-doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27-ka dal ee Yurub ay ku mideysan yihiin.

Golaha Midowga Yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah midowga in ay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka Itoobiya.

Go’aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu sameeyay, kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ku jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay golaha ay ku mideysanyihiin dalalka Midowga Yurub.

“Itoobiya waxaa ay ku guul-dareysatay in aan iska kaashano dib u celinta muwaadiniinteeda si hufan,” ayuu raaciyay go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay Itoobiya wajaheyso xaalad adag oo gudaheeda, ayna xukuumadda Abiy ay ku fashilantay inay wax ka qabato xad-gudubyada lagula kacayo dadka aan waxba galabsan.

Wararka dhiilada dagaalka xambaarsan ee ka jira Itoobiya iyo xaaaladaha bani’aadinimo ayaa keentay in beesha caalamka iyo safaradaha dhowr dal oo ku jiraan Mareykanka, UK, Japan iyo franca in ay ku baaqaan wada-hadal deg-deg ah oo lagu yareynayo xiisadaha colaadeed, si loo ilaaliyo dadka rayidka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top