focus
DP World oo Hoggaan Cusub Yeelatay
Guddoomiyihii Shirkadda DP WORLD Mr. Sultan Ahmed bin Suleyem ayaa maanta xilkii Guddoomiyenimo laga qaaday, waxaana xilkiisii loo magacaabay Mr. Essa Kazim.
War-saxaafadeedka ayaa tilmaamay in magacaabista cusub ay qayb ka tahay dib-u-habayn lagu sameeyey hoggaanka sare ee shirkadda, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta istaraatiijiyadda maalgashi iyo kobcinta waxtarka howlaha dekedaha caalamka.
Dr. Sultan Ahmed bin Sulayem ayaa muddo dheer hoggaaminayey DP World, isaga oo door muuqda ku lahaa ballaadhinta maalgashiga shirkadda, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Geeska Afrika.
Waxa si gaar ah loo xusi karaa maalgashiga ay DP World ku samaysay Dekedda Berbera, kaas oo sare u qaaday awoodda iyo tayada adeegyada dekedda.
Dhinaca kale, Essa Kazim ayaa leh khibrad ballaadhan oo ku saabsan maamulka maaliyadda iyo horumarinta suuqyada, waxaana la filayaa in hoggaankiisu uu horseedo marxalad cusub oo ku saabsan jihaynta istaraatiijiyadda shirkadda.
Dr. Sultan Ahmed Suleyem waxa uu door weyn ku lahaa maalgashiga ay Shirkadda DP WORLD ku samaysay Dekedda Berbera.