focus
Soomaaliya iyo Koonfur Suudan oo noqday dalalka ugu musuq maasuqa badan Caalamka
Dalalka Soomaaliya iyo Koonfur Suudan ayaa noqday dalalka ugu musuq maasuqa badan Caalamka iyaga oo galay kaalinta koowaad iyo kaalinta labaad ee adduunka oo dhan dhinaca musuq maasuqa.
Soomaaliya ayaa gashay kaalinta labaad halka kaalinta koowaadna uu galay dalka Koonfur Suudaan, sida ku cad warbixin ay maanta oo Salaasa ah sii daysay Transparency International.
Labadan waddan ee dhaca Geeska qaaradda Afrika ayaa dhawaan dawladda Maraykanku ku eedaysay in ay boobeen gallay loogu tala galay dadka tabaalaysan inkasta oo Soomaaliya soo celisay qaantii loo qabsaday ka dib cadaadis xooggan oo kaga yimi dhinaca dawaldda Maraykanka.