focus
Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil arrinta aqoonsiga Somaliland ma kala hadli doonaa Madaxweyne Trump?
Ra’iisal-wasaaraha dalka Israa’iil Benjamin Nethanyahu, ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Maraykanka, isagoo shirar xaasaasi ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Ajandaha ugu weyn ee laga hadlayo ayaa ah wadahadalada Iran iyo Maraykanka, xaaladaha Bariga Dhexe, Badda Cas iyo Marinka Gaza.
Haddaba, suurtogal ma tahay in Madaxweyne Trump iyo Netanyahu ay ka wadahadlaan qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland?