Warsidaha caalamiga ah ee Jewish News Syndicate (JNS), ayaa daabacay warbixin ballaadhan oo si qoto dheer u falanqaynaysa aqoonsigii taariikhiga ahaa ee ay Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland, tallaabo oo si rasmi ah u muujisay saaxiibtinimo soojireen ah oo muddo dheer ka dhexaysay labada dhinac.
Sida ay warbaahinta JNS ku sheegtay warbixintan oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, 26-kii Diseembar 2025 waxay noqotay maalin si miisaan leh u gashay taariikhda Somaliland, maadaama Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si cad u aqoonsada Somaliland tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 1991-kii.
JNS waxay ka warrantay in dabaaldegyadii ballaadhnaa ee ka dhacay magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, ay muujiyeen farxadda shacabka iyo fahamka guud ee ah in aqoonsigu uu ka dhigan yahay isbeddel dhab ah oo ku xidhan mustaqbalka dalka.
Warbixinta warsidaha JNS waxa lagu warraystay Wakiilka Somaliland ee Maraykanka, Bashiir Good, kaas oo si cad u sheegay in aqoonsiga Israa’iil aanu ahayn arrin ku timid lama filaan, haseyeeshee uu yahay natiijada xidhiidh soojireen ah.
“Marka aynu dib ugu noqono 26-kii Juun 1960-kii, markii Somaliland xorowday, Israa’iil waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee na aqoonsada,” ayuu Bashiir Good, waxaannu tilmaamay in Israa’iil weligeedba la jirtay Somaliland.
Bashiir Good wuxuu xusay in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu ku dhisan yahay waxyaabo ay wadaagaan, gaar ahaan dimuqraaddiyadda, xorriyadda u hadalka iyo ixtiraamka rabitaanka shacabka.
Danjire Good wuxuu tibaaxay in labada dhinacba ay yihiin bulshooyin ka soo baxay duruufo adag oo doortay waddo ku dhisan adkaysi, dhisme dawladnimo iyo is-difaac sharci ah.
Warbixinta warbaahinta JNS waxa ay aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland ay ku sifaysay qiraal ku wajahan halgankii iyo dhibaatadii ay Somaliland soo martay, gaar ahaan burburkii iyo xasuuqii lagula kacay shacabka Somaliland.
Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland, inkasta oo ay ka soo bilowday burbur buuxa, haddana ay si nabad ah u dhisatay hay’ado dawli ah, amni sugan iyo nidaam doorashooyin dimuqraaddi ah.
Bashiir Good wuxuu sheegay in aqoonsigani uu taariikhda Somaliland u kala qaybin doono laba marxaladood oo cad: ka hor aqoonsiga iyo ka dib aqoonsiga Israa’iil, wuxuu xusay inuu Somaliland u horseedayo xilligii ay si kalsooni leh ula macaamili lahayd beesha caalamka, isla markaana ay si cad u muujinayso xaqiiqadeeda dalnimo.
Wakiilka Somaliland ee Maraykanku wuxuu xusay in Somaliland ay si cad u dooratay inay la safato dalalka dimuqraadiyadda ku dhaqma, gaar ahaan Maraykanka, Israa’iil iyo xulafadooda.
Warbaahinta JNS waxa ay xustay in Somaliland ay si fiiro leh uga fogaatay inay xidhiidh la yeelato quwadaha aanay waxba wadaagin, isla markaana ay dooratay cilaaqaad istaraatiiji ah oo ay la yeelato Taiwan.
Warbixintu waxa iftiimisay in aqoonsigu uu Somaliland ka dhigayo saaxiib la isku halayn karo oo ku jira xeydaabka dalalka dimuqraadiyadda ku dhaqma.
Gebogabadii, warbixintani waxa ay ku doiday, in aqoonsiga Israa’iil aanu ahayn dhammaadka socdaalka Somaliland, balse uu yahay bilow cusub oo ku dhisan saaxiibtinimo taariikhi ah.
Danjire Bashiir Good wuxuu ku dooday in Israa’iil aanay ahayn keliya dal aqoonsaday Somaliland maanta, balse ay ahayd saaxiib taariikhi ah oo weligiisba la jiray Somaliland.