Connect with us

somalilandtoday.com

Suuriya iyo Israa’iil oo heshiis wada-gaadhay

focus

Suuriya iyo Israa’iil oo heshiis wada-gaadhay

Suuriya iyo Israa’iil oo heshiis wada-gaadhay

Dawladaha Suuriya iyo Israa’iil oo wadahalo uu Maraykanku dhexdhexaadinayo ay uga socdeen magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa waxay ku heshiiyeen inay samaystaan nidaam wada-jir ah oo lagu wadaago xogta sirdoonka iyo in iskaashi laga yeesho yaraynta falalka millatari, iyadoo uu arrintaasina dusha sare kala soconayo dalka Maraykanku.

Heshiiskan hordhaca ah ee dhexmaray Israa’iil iyo Suuriya ayaa sidoo kalena dhigaya in laga wada shaqeeyo sidii meesha looga saari lahaa waxyaabaha kala shakiga iyo isfaham-waaga ah ee sababi kara in gacan-ka-hadal yimaado.

More in focus

To Top