focus
Mareykanka oo golaha ammaanka u diray qabyo qoraal ku saabsan ciidan nabad ilaalin ah oo la geynayo marinka Qasa
Mareykanka ayaa dalal ka tirsan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u diray qabyo qoraal ku saabsan ciidanka nabad ilaalinta caalamiga ah ee la geynayo marinka Qasa, marka la gaadho bisha Jannaayo 2026, kuwaasoo la sheegay inay ilaalin doonaan xudduudaha marinka Qasa, mana noqonayaan nabad ilaalin keliya ee sidoo kale waxay fulinayaan howlgallo hub ka dhigis ah oo marinka Qasa laga dhigayo meel ka caagan hubka iyo kaabayaasha milatari, tan oo u muuqata inay ka hortagayaan dib u dhiska awoodda milatari ee Xamaas.
Ciidanka la geynayo Qasa oo dalal dhowr ah isugu jira , ayaa la sheegay inay ka howlgeli doonaan Qasa illaa dhammaadka sannadka 2027 , waxaana mas’uuliyadooda ka mid ah inay tababbaraan ciidan Booliis Falastiiniyiin ah oo Qasa ka howlgalla, sida ay sheegtay shabakadda Axiso.