focus
Cabashadii ka taagnayd maaraynta fursadaha gaadiidka ee dekedda Berbera oo si rasmi ah xal buuxa looga gaadhay
Kadib wada-tashi iyo dood dheer oo dhex martay guddi ka socday ganacsatada iyo guddi kale oo ka socday xukuumada, kuwaas oo ay xubno ka ahaayeen golaha wasiirrada qaarkood iyo maareeyaha guud ee Hay’adda Dekedaha Somaliland, ayaa si rasmi ah xal buuxa looga gaadhay cabashadii ka taagnayd maaraynta fursadaha gaadiidka ee dekedda.
Wadahadalladaasi oo ku dhacay jawi isfahan iyo dan-wadaag ah, ayaa lagu go’aamiyay in la dardar geliyo horumarinta guud ee qaybta gaadiidka dekedda, isla markaana la mideeyo ururka gaadiidleyda hadda jira iyo gaadiidka kale si ay si wadajir ah uga qayb qaataan qorshaha horumarineed ee mustaqbalka.
Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in nidaamka maamulka iyo maaraynta fursadaha gaadiidka uu hadda sidiisii hore ahaado, iyadoo aan wax isbeddel degdeg ah lagu samayn.
Si loo sii amba-qaado hawsha midaynta iyo habaynta nidaamka mustaqbalka, waxaa la isla qaatay in la magacaabo guddi cusub oo labada dhinac ka kooban, kuwaas oo lagu wado in ay shaqadoodu bilaabaan maalmaha soo socda.
Go’aamadan ayaa ujeeddadoodu tahay in la adkeeyo wada-shaqaynta ka dhexaysa ganacsatada, Ururka gaadiidlayda, hay’adda dekedaha Somaliland iyo hayadaha kale ee daneeyaha ka ah hawshan, si loo hubiyo in habsami u socodka dekeddu uu noqdo mid waara, caddaalad iyo hufnaan ku dhisan.