focus
XAQIIJIN: Madaxweyne Trump oo qorsheynaya aqoonsiga Somaliland
David Anderson oo ah Qareen Australian–American ah ayaa warbixin uu ku qoray warbaahinta caalamiga ah uu ku sheegay in maamulka Trump uu qorsheynayo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo beddeli karta mustaqbalka Geeska Afrika.
Anderson wuxuu xusay in Somaliland ahaan jirtay maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray, ay si nabadgelyo ah isu bixisay, iskuna maamulaysay tan iyo markii ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya 199kii.
Wuxuu ku ammaanay in Somaliland ay hirgelisay doorashooyin xor ah, dawladnimo rayid ah, iyo ammaan la isku halleyn karo, taasoo ka dhigaysa tusaale lagaga daydo mandaqada ay ku taallo.
David Anderson wuxuu warbixintiisa oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee SOLNA, ku sharraxay in aqoonsiga Mareykanku uu u furi doono Jamhuuriyadda Somaliland maalgelin, iskaashi amni iyo fursado ganacsi. Waxa kaloo uu intaas ku daray in Somaliland ay kasban doonto saaxiibtinimada iyo xidhiidhada dunida reer gslbeedka.
Anderson wuxuu ugu dambeyn tilmaamay in Somaliland ay haysato fursad ay kaga baxdo aqoonsi la’aanta siyaasadeed, isla markaana ay noqon doonto dal xasilloon oo horumaraya, halka Soomaaliya ay weli la daalaa-dhacayso qalalaase, argagixiso iyo dowlad la’aan.