Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha ugu da’da weyn Adduunka oo mar kale ku guulaystay doorasho ka dhacday dalkiisa

focus

Madaxweynaha ugu da’da weyn Adduunka oo mar kale ku guulaystay doorasho ka dhacday dalkiisa

Madaxweynaha ugu da’da weyn Adduunka oo mar kale ku guulaystay doorasho ka dhacday dalkiisa

Madaxweynaha ugu da’da weyn Adduunka ee Paul Biya ayaa ku dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii toddobaadkii hore dalka Cameroon looga dareeray isaga oo sheegay in uu helay 53% codadkii la dhiibtay.

Paul Biya oo da’diisu hadda tahay 94 sano waxa uu talada Cameroon qabtay sannadkiii 1982-kii, waxa la sheegaa in uu yahay bukaan aan si hufan u gudan shaqada uu qarankiisa u hayo balse waxa uu diiday in uu tartanka ka hadho.

Kal xukunkiisa cusub ayaa socon doona tan iyo 2032-ka waxana muddo xilkeedkani uu ka dhamman doonaa isaga oo jira 100 sano haddii naftu ku sinto.

Mucaaridka Cameroon ayaa si weyn u diiday natiijada balse waxa loo taxaabay xabsiga qaarkoodna dalkaba way ka carareen.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top