Connect with us

somalilandtoday.com

Baarlaamanka dalka JABUUTI oo ansixiyey in Ismaaciil Cumar Geelle uu mar kale u tartami karo xilka madaxweynenimo

focus

Baarlaamanka dalka Djibouti oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in Ismaaciil Cumar Geelle uu sii wadan karo tartankiisa doorashada iyaga oo meesha ka saaray qodobkii Dastuurka ku jirey ee xaddidayey da’da qofka isa soo sharraxaya.

Ismaaciil Cumar Geelle oo dhashay sannadkii 1947-kii ayaa mar kale isu diyaarinaya in uu dalkaas taladiisa ku soo laabto marka la gaadho bisha April ee sannadka soo socda.

Qodobkan oo aad uga cadhaysiiyey mucaaridka dibad wareega ah ee dalka Djibouti ayaa damaanad qaadaya in uu sii wadan karo hawlihiisa doorashada taas oo ka dhigan in Djibouti ku biirayso waddamada ay ka taliyaan madaxda ugu da’da weyn Caalamka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top