focus
Waa imisa tirada la haystayaasha Israa’iil ee wali ku jira gacanta Xamaas?
Qaar ka mid ah qoysaska dadka la haysto ee wali gacanta ugu jira Xamaas gudaha Qasa, tan iyo weerarkii 7-dii Oktoobar oo ay hogaaminaysay Xamaas ayaa la hadlay warbaahinta.
Dadka la afduubtay 7-dii Oktoobar 2023 waxay ahaayeen 251 qof, waxaana la rumeysan yahay in 48 ka mid ah wali lagu hayo dhulka Falastiin.
Waxaa la aaminsan yahay in 20 ka mid ah dadkaas ay wali nool yihiin. Sii deynta dadka wali la haysto ayaa noqotay arrin uu si xooggan u dalbanayay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.
Xamaas, oo ka jawaabaysay qorshaha nabadeed ee uu soo jeediyay Donald Trump, ayaa ogolaatay inay sii deyso dhammaan maxaabiista Israa’iil ee wali lagu hayo Qasa. Kooxdu waxay codsatay in la sii wado wadahadallada arrimo dhowr ah oo ku xusan qorshaha nabadeed ee Trump