focus
Aljeeriya oo mustaafurineysa 12 sarkaal oo ka tirsan safaaradda Faransiiska
Dawladda Al-jeeeriya ayaa dalkeeda ka eriday 12 Dublumaasi oo u dhashay waddanka Faransiiska ka dib markii Paris lagu xidhay dad ka soo jeeda Aljeeriya.
Xukuumadda Al-Jaris waxa ay 48 saacadood u qabtay in ay Dublumaasiyiintani dalkaas kaga baxaan oo ay ku tagaan dalkii ay u dhasheen Faransiiska.
Paris oo arrinkan ka fal celisay ayaa cambaaraysay tallaabada Aljeeriya iyada oo sheegtay in aanu xaalku ahayn mid halkaa gaadhay haddana loo baahan yahay sidii loo heshiin lahaa.