focus
Xuutiyiinta Yemen oo weeraray markab shidaal
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta weerar la beegsaday markabka shidaalka qaada ee MV Sounion ee laga leeyahay dalka Giiriga, kaasoo la sheegay inay ka dhaceen laba qarax, wallow ayna qaraxyadaa ka joojin inuu sii wado safarkiisa, sida ay sheegtay ha’yadda ganacsiga baddaha Ingiriiska ee (UKMTO).