focus
Raysal wasaaraha Hindiya oo booqasho ku tagay dalka Ruushka
Raysal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi , ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagay Ruushka illaa markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine.
Waxaana uu Madaxweyne Vladimir Putin u qaabilay si saaxiibtinimo leh, isaga ku soo dhaweeyay guri qasri ah oo uu ku leeyahay Novo-Ogoryovo oo ku taalla duleedka magaalada Moscow.
Labada hogaamiye kulankooda rasmiga ah yeelanaya aqalka Ruushka looga taliyo ee Kiriimalayn.