focus
Nin Soomaali ah oo dabaq ku yaalla magaalada Minneapols iska soo tuuray
Nin Soomaali ah ayaa laba cad u kala go’ay kadib markii uu kasoo dhacay dabaq aad u dheer oo ku yaalla xaafadda Cedar Riverside ee magaalada Minneapols ee gobolka Minnesota.
Cabdicasiis oo dhalinyaro ahaa ayaa goobjooge uu u sheegay warbaahinta inuu iska soo tuuray dabaqa 22-aad ee dhismaha, iyadoo inta aanu dhulka gaadhin ka hor uu ku dhacay meel darbi ah, taasoo keentay inuu laba cad u kala go’o.
Goobjoogaha ayaa sheegay in ninka uu qabay xanuun maskaxda ah, iyadoo ehellada marxuumka iyo bulshada Soomaalida ee halkaasi ku nool ay si weyn uga naxeen dhacdada.