Connect with us

somalilandtoday.com

Israa’iil Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Warbaahinta Aljazeera

focus

Israa’iil Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Warbaahinta Aljazeera

Israa’iil Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Warbaahinta Aljazeera

Golaha Wasiirada ee Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la xiro howlaha Aljazeera ee Israa’iil, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda.

Codeynta golaha wasiirada ee Axadii ayaa timid kadib markii baarlamaanka Israa’iil uu meel mariyay sharci ogolaanaya in si ku meel gaadh ah loo xidho warfidiyeennada ajnabiga ah ee loo arko in ay khatar ku yihiin amniga qaranka inta lagu guda jiro dagaalka bilaha ah ee Gaza.

Netanyahu ayaa go’aanka kaga dhawaaqay bartiisa X, oo hore u ahaan jirtay Twitter. isagoo ku sheegay luqada cibraaniga ah in dowladiisu go’aansatay in la xidho kanaalka al jaziira.

Qoraal kale oo X ah, Wasiirka Isgaadhsiinta Israel Shlomo Karhi ayaa sheegay in uu saxeexay amarada ka dhanka ah Al Jazeera, kuwaas oo si degdeg ah u dhaqan gali doona.

Karhi waxa kale oo uu amar ku bixiyay in la qabto qalabkii baahinta ee Aljazeera oo ay ku jiraan qalabka tafatirka iyo habaynta, kamaradaha, makarafoonnada, server-yada iyo laptop-yada, iyo sidoo kale qalabka gudbinta wireless-ka iyo qaar ka mid ah taleefannada gacanta.

Israa’iil ayaa muddo dheer xidhiidh adag la lahayd Al Jazeera, oo ay ku eedaysay inay ka eexday oo ay gacan saar la leedahay Xamaas. Shabakadda fadhigeedu yahay Qatar ayaa marar badan diiday eedeymahaas.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top