Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska Canada oo xidhay 3 nin oo Hindi ah

focus

Booliska Canada oo xidhay 3 nin oo Hindi ah

Booliska Canada oo xidhay 3 nin oo Hindi ah

Booliska Canada ayaa Jimcihi shalay xidhay isla markaana dacwado kusoo oogay saddex nin oo Hindi ah, oo looga shakisanyahay in ay dileen Hardeep Singh Nijjar oo ahaa hogaamiye ka tirsan koox gooni u goosad ah oo u ololeysa madaxbannaanida dadka Siiqa ee Hindia.

Nijjar, oo ahaa 45 jir ayaa bishii June lagu toogtay bannaanka macbad ay bulshada Siiqa Hindiya ku leeyihiin degmada Surrey ee magaalada Vancouver.

Bilo yar kaddib, ayuu ra’isulwasaaraha Canada Justin Trudeau sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in dowladda Hindiya ku lug laheyd dilka hogaamiyaha, arrintaas oo dhalisay qalalaase diblamaasiyeed oo soo kala dhexgalay Ottowa iyo New Delhi.

Booliska Canada ayaa magacaabay saddex nin ee la xidhay, kuwaas oo kal ah Karanpreet Singh, oo 28 jir ah, Kamalpreet Singh, oo 22 jir ah iyo Karan Brar oo 22.

Safaaradda Hindiya ee Ottawa ayaanan wali ka jawaabin xariga loo geystay saddexdaasi dhalinyaro ee Hindiya kasoo jeeda ee looga shakisanyahay falka dilka hogaamiyihii kooxda gooni-u-goosadka Siiqa Hindiya.

Nijjar ayaa ahaa muwaadin heysta dhalashada Canada, wuxuu u ololeyn jiray in la abuuro qaran loogu magac-daray Khalistan, kaas oo damacu yahay in ay hadhsadaan bulshada Siiqa ama Singa-singaha Hindiya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top