Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya oo mar kale diidday inay wadahadal la furto Itoobiya

focus

Soomaaliya oo mar kale diidday inay wadahadal la furto Itoobiya

Soomaaliya oo mar kale diidday inay wadahadal la furto Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in Itoobiya ay wadahadal la gasho ilaa Addis Ababa ay “waxba kama jiraan” kasoo qaadeyso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay qaranka Somaliland, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Geeska Afrika” ayaa lagu yidhi bayaanka dowladda Soomaaliya.

Hadalka dowladda Soomaaliya ayaa daba socday bayaan ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ee kala ah, Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, iyo Maraykankahoray u kuwaas oo walaac ka muujisay heshiiska is-afgaradka ah, waxayna ugu baaqday Itoobiya iyo Soomaaliya inay furnaadaan dhammaan waddooyinka wadahadallada.

War-saxaafadeedka Soomaaliya ayaa lagu yidhi, “Wadahadallada Itoobiya waa kuwo aan la gaadhi karin, haddii aanay meesha ka saarin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la galeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya iyo mabda’a ah in aan la faragelin.”

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top