Connect with us

somalilandtoday.com

Faysal iyo Cirro oo si weyn u soo dhaweeyay ansixintii golaha wakiillada ee xeerka doorashooyinka.

focus

Faysal iyo Cirro oo si weyn u soo dhaweeyay ansixintii golaha wakiillada ee xeerka doorashooyinka.

Faysal iyo Cirro oo si weyn u soo dhaweeyay ansixintii golaha wakiillada ee xeerka doorashooyinka.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay ansixintii ay golaha wakiilladu ku sameeyeen xeerka doorashooyinka.

“Waxa aan hambalyo & bogaadin labaad u dirayaa dhammaan xubnaha Aqalka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey isla markaana ku meel mariyey Xeerarka doorashooyinka isku sidkan ee dalkan ka qabsoomaya sannadkan.

Tareenkii Doorashooyinka & isbedddelku wuu dhaqaaqay, cid kasta oo is hor-taagtana wuu jiidhayaa!” Murrashax Cirro

“waxaan Hambalyo Iyo duco ba u dirayaa Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, sida xilkastanimada leh ee ay maanta u guteen waajibkoodii qaran.

Madaxweynuhuna waa in uu si deg deg ah u ansixiyo xeerka, Halkaana ay ku dhaamato khilaafkeeni guduhu Doorashadii haloo diyargaroobo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

More in focus

To Top