Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Jabuuti oo ka hadashay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex qarxay

focus

Dowladda Jabuuti oo ka hadashay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex qarxay

Dowladda Jabuuti oo ka hadashay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex qarxay

Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay khilaafka culus ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiis bilawgii bishan Addis Ababa ku dhexmaray Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Jabuuti oo war qoraal ah kasoo saartay ku sheegtay in muhiim ay tahay ilaalinta madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah Urur gobolleedka IGAD.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti.

Warkaan kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Itoobiya ay rajo weyn ka qabto iney hesho dhul badeed iyo saldhig milateri oo laga siiyo xeebaha Somaliland, taasi bedelkeedana ay dowlad rasmi ah u aqoonsato Somaliland.

More in focus

To Top