focus

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo sheegay in Muuse Biixi iyo Xasan Sheekh ay ka wada hadli doonaan sidii dib u heshiisiin loo samayn lahaa.

Published on

Wasiirka Warfaafinta  ee Soomaaliya Daa’uud Aweys oo qoraal kooban ku soo qoray bartiisa X (Twitter) ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Somaliland ay ka wada hadli doonaan sidii xal looga gaadh khilaafka labada dhinac iyo sidii dib u heshiisiin loo samayn lahaa.

Arrinka dib u heshiisiinta ayaa ah mid  si weyn uga soo hor jeeda siyaasadda Somaliland tan iyo markii 1991 kii ay ku dhawaaqday in ay gaar uga baxday Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Copyright © 2020 Somaliland Today.