focus
Wararkii u dambeeyay doorashada Turkiga iyo Erdogan oo hoggaaminaya tirinta codadka
Codayntii doorashada Turkiga ee dadweynaha dalkaasi ay maanta u dareereen ayaa goor dhowayd si nabada ku soo dhammaatay.
Guddida doorashada dalka Turkiga ayaa sheegay in ay codkooda dhiibteen 83% ka mida dadkii loo diwaan geliyey in ay codkooda dhiiban karaan.
Tirada dadka codeeyey ayaa ka hoosaysa tiradii wareegii hore oo ahayd 87%.
Waxa hadda si habsami leh u socota tirinta codadka oo haatanba in badan laga faraxashay.
Natiijooyinka hor dhaca ah ayaa sheegaya in la tiriyey 80% ka mida codadkii la dhiibtay.
Musharrax xisbiga AK Rejeb Dayyib Erdogan ayaa ilaa hadda hoggaaminaya tirada codadka sida hor dhaca ah loo og yahay isaga oo haysta 54.37%.
Halka hoggaamiyaha mucaaridkuna uu codadka la tiriyey ka haysto 45.63%.