focus

“Waa in hada si dagdaga xoriyadooda loogu celiyo dhamaan dadkii loo qabqabtay banaanbixii…” Xildhibaan Maxamed Abiib

Published on

Ilaahay ha u naxariisto Marxuum Taliye Khadar Xabeeb oo maanta lagu aasay borama kadib markii 10 cisho ka hor gacan ka gardarani ku dishay Lawga.

Ilaahay qoyska qarabada iyo qarankaba samir iyo iimaan hakiisiiyo.

Inta waxa dheer in xukuumadu toos u qaadato dardaarankii ehelku qabriga dushiisa ka jeediyeen oo aanay sahalsan iskuna dayin Meeraysi ee ay fuliso go,aanka laba qaysba taageeren kii wax laga dilay iyo kii wax dilayba.

Laba waa in hada si dagdaga xoriyadooda loogu celiyo dhamaan dadkii loo qabqabtay banaanbixii ka dhashay arintaa iyadna meeraysi uma baahna mana jirto cid ujeedo gaara arintaa ka lahayd balse meeraysigii Xukuumada ayaa keenay waana waajib dad banaan baxay marka uu joogsado in lasii daayo.

Qodobka u dambeya Xukuumadu waa inay si dagdag ah iskaga xilsaartaa inay daryeel iyo dawaba u sameeyaan Dhaawacyada duqaydii iyo dhalintii maalintii dhawayd ku dhaawacan tay sigaara waxan ugu soo jeedinaya madaxda xukuumada ee gobalka kasoo jeeda inay xilgaara iska saraan dhaman qodobadan.

Kadibna nabad niyad saman lagu wada xuso 18 may.

W/Q Xildhibaan Maxamed Abiib

Copyright © 2020 Somaliland Today.