focus
Wararkii ugu danbeeyay ee Colaada dalka Suudaan.
Goor danbe oo xaley ah waxa ka dhaqan-galey Dalka Suudaan xabad-joojin ay si wadajir ah uga soo shaqeeyeen Maraykanka iyo Sucuudi carabiya.
Labada Janaraal ee kala hogaaminaya Dagaalka ayaa shaaciyey iney u hogaan samayaan Xabad-joojinta, si fursad loo siiyo gurmadka bini’aadanimada.
Dalka Suudaan ayaa waxa 15 April ka qarxey dagaal u dhexeeya Labadii Janaraal ee heshiiska ku ahaa Afganbigii Madaxweynihii hore ee Dalkaas Cumar Al-Bashir, waxaana lagu waramayaa inta la ogyahay ay Dagaalkaas ku geeriyoodeen ilaa 427 oo qof.