focus
Weerar Loo Geystay Masaajid Ku Yaalla Minnesota Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
Booliska magaaladda Minneapolis ee waddanka Mareykanka ayaa baadhaya dhac iyo burburin loo geystay dhismaha masaajidka Towfiiq ee ku yaalla koonfurta magaaladaasi.
Bulshada Muslimiinta ah ee gobolka Minnesota ayaa waajahaya weeraro aan hore loo arag oo ka dhan ah masaajidda.
Badhasaabka gobolka Minnesota Tim Walz oo ka hadlayay weerraradaasi ugu dambeeyay ayaa bartiisa Twiter-ka waxa uu soo dhigay farriin uu ku sheegayo in dadka gobolka Minnesota ay taageersan yihiin Muslimiinta.
“Toddobaadkan, waxaa si xun loo burburiyay masaajidka Tawfiiq ee Minn
Wuxuu intaa ku daray in tallaabadan looga gollahaa in lagu kala qeybiyo bulshada.
“Shacabka waxay garab taagan yihiin isla markaana ka go’an inay taageeraan walaalaheen Muslimiinta ah, ma aqbaleyno naceyb,” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Minnesota Tim Walz.
Weriye Siyaad Saciid Saalax oo booqday masaajidka ayaa wuxuu halkaa kusoo arkay burburka albaabada iyo khasnadaha lacagta sadaqada lagu uruuriyo.
Khasaaraha gaadhay masaajidka ayaa lagu qiyaasay ilaa 50,000 oo doollar.
Lacagtan ayaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay loo uruuriyay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool gobolka Oromada ee Itoobiya.