focus

Wasiirro ka tirsan xukuumadda KULMIYE Oo durbaan qabyaaladeed ka dhex abaabulaya beelaha walaalaha ah ee wada dega Burco.

Published on

Wasiirro ka tirsan xukuumadda KULMIYE oo ka soo jeeda bariga Burco ayaa durbaan qabyaaladeed ka dhex abaabulaya beelaha walaalaha ah ee wada dega Burco.

Wasiirradan ayaa abaabulaya odayaal ka soo jeeda beesha Habarjeclo, kuwaas dhaleecayn u jeedin doona wakaaladda Biyaha Al-Nafoora ee gaarka loo leeyahay iyo waliba ganacsade Saleebaan Kulul oo ah Mulkiilaha La-Nafoora Construction.

Odayaashan ayaa loo abaabulayaa inay ka soo horjeestaan biyo galinta uu ganacsade Saleebaan Kulul iyo sherkadiisu ka wadaan Burco, si uu u abuurmo khilaaf qabyaaladeed oo u dhexeeya beesha uu ka soo jeedo Saleebaan Kulul iyo beesha bariga Burco.

Wasiirradan ayaa qaarkood Hargeysa ka darawalinayaan xiisadan qabyaaladeed halka kuwa kalena dhawaan Burco ugu safreen si ay u soo huriyaan durbaankaas naxliga iyo qabyaaladda xambaarsan.

Copyright © 2020 Somaliland Today.