focus
Wariyeyaashii Xidhnaa Oo Maanta Mar Kale La Horkeenay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex
(SLT-Hargeysa)-Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa maanta mar kale la keenay saddexdii Weriye ee xidhnaa ee kala ahaa Maxamed Ilig, Cabdijibaar Maxamed iyo Cabdiraxmaan Indho-cadde.
In Maalinta Sabtida dib loogu celinayo maxkamada ayuu ii xaqiijiyey mid kamida garyaqaanada sida dhow ula socda arrintan.
Waa markii labaad ee rumaan xabsi ku sii hayna ah loo jaro wariyeyaashan oo la xidhay 13 bishan aynu ku jirno ee april.