focus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabay Wasiirka Maaliyadda Dalka Jabuuti

Published on

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Dr Ciise Kayd ayaa si adag uga jawaabay qoraal uu bartiisa Twitter ka ku soo daabacay wasiirka Maaliyadda ee Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale kaas uu ku sheegayey in saddex wasiir Maaliyadeed ee Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka wada shaqaynayaan sidii muwaacimo deg dega loogu raadin lahaa suuqi dhowaan shuf beelay ee Waaheen.

Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in Somaliland mar horeba la xidiidhay cid kasta oo gacan ka geysan karta aafada suuqa Waaheen.

Wasiirka Ciise Kayd ayaa wasiirrada is xil qaamay ku booriyey in ay ixtiramaan madaxbannanida iyo dawladnimada Somaliland. Taas oo ka dhigan in aanay qaadhaan u raadin karin ee Somaliland loo daayo hawlaheeda.

No

Copyright © 2020 Somaliland Today.