focus
Wasiir Cabdillaahi Abokor Oo Lagu Fadeexadeeyey Baraha Bulshada, Markii Uu Dadka Abaaraha Iyo Sicir Bararka Ka Hadla Ku Tilmaamay Cayayaan!
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa dhaleecayn xooggan kala kulmay shacabka Somaliland kuwaasi oo Wasiirka ku dhaliilay qoraalo badan oo ay kaga fal-celiyeen qoraal uu cilmi baadhis ku sheegay oo uu dadka abaaraha iyo sicir bararka aafeeyey Somaliland ka hadla ku tilmaamay cayayaanka baraha Bulshada iyo dad xisbiyada Mucaaridku soo adeegsadaan arrintaasi oo ay wasiirka ku eedeeyeen kuna tilmaameen wasiir aan xilkas ahayn oo dhibka shacabkiisa haysta aan arkayn ee kaliya difaacaya kursigiisa iyo sidoo kale dhaliisha dul hoganaysa xukuumadda uu ka mid yahay.
Wasiir Cabdillaahi Abokor, Wasiirka Hawlaha Guud oo lagu sheego mid ka mid ah wasiirrada aadka ugu dhawdhaw Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadalka xaaladaha abaaraha, sicir bararka, qiimaha qaaliga ah ee maciishadda dhammaan dhibaatooyinkaasi dalka yaalla cid kasta oo ka hadasha waxa uu ku sheegay cid halis ku ah amniga iyo wada jirka umadda waana halka dad badani dhaliilo culus uga soo jeediyeen.