News
TPLF Oo Shuruudo Ku Xidhay Wada-Hadal Ay La Galaan Dowladda Itoobiya
Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay shuruudo dhawr ah ku xidhayaan, hadday noqoto inay wada hadal galaan iyaga iyo dowladda Itoobiya.
Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion ayaa sheegay inay ugu yaraan lix shurudoodo ku xidhayaan hadday noqoto in iyaga iyo dowladda uu dhex maro wada hadal.
Shuruuddan ayaa waxaa kamid ah in ciidanka kooxda TPLF aan hubka laga dhigin oo ay sidooda ahaanayaan, sidoo kale in xuduudaha gobolka Tigray lagu celiyo sidii uu markii hore ahaa, iyo waliba in ciidanka Eritrea laga saaro dhulka gobolka Tigray.
Qodobada kale ee ayna ka dagaynin TPLF ayaa waxaa kamid ah, in shacabka Tigray iyagu iskood isu maamulaan, talladana gacantoda lagu celiyo, iyo waliba magdhow helaan shacabka Tigray, iyo in sharciga la horkeeno kuwii dambiyada ka gaystay gobolka Tigray, waa siday hadalka u dhigeen kooxda TPLF.
Shuruudahan ayay kooxda TPLF ku sheegeen inaan gorgortan marnaba laga galayn, oo sidooda loo qaadan doono.