focus
Wasiir Kayd Oo Ku Gacan Saydhay Qorshe Uu Madaxweyne Biixi Ku Doonayey Inuu Kaga Beddelo Wasaaradda Arrimaha Debada Oo Uu U Magacaabayo Baashe Cawil
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha debada Somaliland Dr Ciise Kayd ayaa la sheegay inuu ku gacansaydhay qorshe uu Madaxweyne Biixi hordhiyey,kaas oo uu ku doonnayey inuu kaga wareejiyo Wasaaradda arrimaha debada,halkaas oo la sheegay inuu la doonnayo inuu u magacaabo wasiirka arrimaha debada Beeshe Cawil.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu wasiirkiisa arimaha dibada Dr. Ciise Kayd Maxamuud uu hordhigay qorshe uu doonayo inuu ugu wareejiyo wasaarada caafimaadka Somaliland.
Warar xogogaal ah ayaa sheegay in Wasiir Kayd uu ganafka ku dhuftay qorshaha Muuse Biixi isla markaana ku goodiyey in xukuumada uu dibada uga baxayo haddii bedel lagu sameeyo. iyada oo aan isafgarad la gaadhin ayaanu wasiirku safar ugu baxay Taywan,waxaanu dalka ku soo laabtay shalay
Amb Baashe Cawil (Morgan) oo ay is-garabsanayaan Maxamuud Xaashi oo KULMIYE dib ugu noqonaya ayaanu Muuse biixi qorshaynayaa inuu u magacaabo wasiirka arimaha dibadda Somaliland.