Connect with us

somalilandtoday.com

Dalka Malaysia: Nin Ciraaqi Ah Oo Dilay Gabadh Soomaali Ah Oo Xidhiidh Jaceyl Ka Diiday

focus

Dalka Malaysia: Nin Ciraaqi Ah Oo Dilay Gabadh Soomaali Ah Oo Xidhiidh Jaceyl Ka Diiday

Dalka Malaysia: Nin Ciraaqi Ah Oo Dilay Gabadh Soomaali Ah Oo Xidhiidh Jaceyl Ka Diiday

Allah ha u naxariistee Gabadh Soomaali ah oo kamid aheyd Soomaalida ku nool magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa shalay lagu dilay magaaladaas.

Gabadha oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar ayaa waxaa lagu dilay meel aan ka fogeyn maqaaxi ay ka shaqeyn jirtay, waxaana dilkeeda lala xidhidhinaya Nin Ciraaqi ah oo dhowr jeer xidhiidh Jaceyl usoo bandhigtay.

Maxamuud Cabdullaahi Bille oo kamid ah Ardayda wax ka barata dalka Malaysia oo la hadlay VOA ayaa sheegay in gabadha la dilay ay inbadan ka cago-jiiday inay xidhiidh la sameyso ninkaas.

“Allaha u naxariiste Dahabo waxa dilay Nin ay ka wada-shaqeynayeen maqaaxida, gabadhaasna waxa uu ku dilay sida ay xogta hore ugu soo tabisay jaaliyada Soomaalida kadib markii ay xidhiidh ka diiday, dhowr jeerna wuu ugu hanjabay dilkeeda,” ayuu yidhi.

Dilka gabadha ayaa lagu wargeliyay safaarada Soomaaliya ee Malaysia, ayada oo mas’uuliyiinta safaarada la kulmeen Booliska gacanta ku haya kiiskeeda, kaas oo weli ay baadhistiisa socoto.

“Safaarada waxay si dhow ula shaqeynaysa Jaaliyada iyo Booliska oo arrintaan gacanta ku haya, waxaana marwalba u taaganahay in aan u khidmeyno oo dhibta Soomaalida ee Malaysia ku nool gacan ka geysano waxkasta oo ay u baahan yihiin,” ayey tidhi Amaal Maxamed Saciid oo ah sii-hayaha safaarada Soomaaliya ee dalka Malaysia.

Allaha u naxariistee Dahabo ayaa la sheegay inay ku jirtay da’da labatameedyada, waxayna kamid aheyd dadka fara-ku-tiriska ah ee ka shaqeeya maqaaxiyaha, ugu dambeyntiina sababtay gacanta ninka ay xidhiidhka jacayl ka diiday.

More in focus

To Top