focus
Wasiirka Arrimaha Dibada Sacuudiga Oo Khadka Taleefanka Kula Hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxay Ka Wada-Hadleen??
(SLT-Riyadh)-Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan Al Saud oo khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa uga mahadceliyay sida Soomaaliya ay u garab istaagtay Sacuudiga in Bandhigga Expo 2030 lagu qabto magaalada Riyadh.
Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo gobolka, adduunkaba iyo arrimaha labada dal si gaar ah u khuseeya.
Boqortooyada Sacuudiga iyo Dowlada Soomaaliya ayaa leh xidhiidh wanaagsan oo iskaashiga labada dhinac ah.