focus

Lacagtii Hore Ee Itoobiya Oo Maanta La Joojiyay Isticmaalkeeda

Published on

(SLT-Addis Ababa)-Sida uu shaaciyay Bangiga Qaranka ee Itoobiya waxaa maanta guud ahaan la joojiyay isticmaalka lacagtii hore ee Itoobya, iyadoo aan waxba lagu kala iibsan doonin laga bilaabo maanta oo saalasa ah.

Bangiga ayaa sidoo kale sheegay inay maalmo kooban sii socon doonto badallaada lacagtii hore, cidda jeebkeedu kusii jirtana ay ka badalan karto bangiga muddo 2 toddobaad gudahooda.

Degaanka Soomaalida ayaa meelaha qaar laga soo sheegayaa bangiyada oo ku yar awgii in wali dadku haystaan lacagtii hore.

Copyright © 2020 Somaliland Today.