focus

Khilaafkii Madaxweynaha Puntland Iyo Ku xigeenkiisa Oo Xal Laga Gaadhay

Published on

(SLT-Garoowe)-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah oo ka dhacay lagu xaliyay khilaafkii ka dhaxeeyay madaxweynaha Puntland  iyo ku xigeenkiisa.

Ismada dhaqanka iyo Gudoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa ku guulaystay in soo gabagabeeyaan khilaafkii Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karash Munaasabad ka dhacay xarunta madaxtoyada ayaa gacanta laysugu saaray Masuuliyiinta ugu saaraysa Puntland oo galabta balan qaaday in aanu soo laaban doonin khilaaf ku soo noq noqday dhegaha shacabka Puntland.

Heshiiskaan ayaa ka kooban dhowr qodob waxaana khilaafkaan uu soo jiitamayay in muddo ah iyada oo ugu dambeyntii xal laga gaadhay.

Copyright © 2020 Somaliland Today.