focus
Wasiirro Kulan La Qaatey Gudida Nabadaynta Degmada Ceel-Afweyn.
(SLT-Hargeysa)-Weftigii Balaadhnaa ee hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane, Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta kulan la qaatey gudida nabadaynta Degmada Ceel-afweyn.
Shirkani ayaa daaranaa sidii nabada ay xukuumadu ka abuurtay deegaamadaas loo adkeyn lahaa sidoo kalena waxa ay labada dhinac iska xog wareysteen shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Deegaanka Fadhigaab.