focus
Wasiirro Gaadhay Ceel-Afweyn Iyo Amar La Siiyey Ciidanka Qaranka
Wafi Balaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane, Maxamed Kaahin Axmed oo ay ka mid yihiin Wasiirada Wasaaraddaha Xidhiidhka Goleyaasha , Qorshaynta Qaranka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga Gaashaandhiga & Cadaaladda ayaa gaadhay Degmada Ceelfweyn ee Gobolka Sanaag.
Ujeedka Weftigan ayaa ah sidii nabad loogu soo dabaali lahaa shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Deegaanka Fadhigaab, waxaana ay waftigani la kulmi doonaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka si loo dhamaystiro nabada degaankaasi.