Connect with us

somalilandtoday.com

Weerar Xalay Lagu Qaaday Guriga Maayirka Boorama Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+ SAWIRRO

focus

Weerar Xalay Lagu Qaaday Guriga Maayirka Boorama Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+ SAWIRRO

Weerar Xalay Lagu Qaaday Guriga Maayirka Boorama Iyo Khasaaraha Ka Dhashay+ SAWIRRO

(SLT-Boorama)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday Guriga uu degan yahay Maayirka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Saleebaan Xasan Xadi.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Ragga weerarka ku qaaday Guriga Maayirka Boorama iyo ilaaladiisa ay dhex-martay Is rasaaseyn socotay muddo daqiiqado ah, wallo markii dambe ay iskeed u istaagtay.

Dadka deegaanka ayaa Somalilandtoday u sheegay in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas xooggan, isla markaana ay markii dambe ka war heleen in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Guriga Maayirka Boorama.

Intaas kadib ragii hubeysnaa ayaa goobta ka baxsaday, waxaana saaka lagu soo warramayaa in xaalada ay degan tahay, sidoo kalena ay howlgallo baadhitaan ay wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ee ku sugan Boorama.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Boorama, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo kan degmada Boorama.

More in focus

To Top