Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda UK oo ku wargelisay muwaadiniinteeda in fiisaha ay Soomaaliya bixiso aanu ka shaqaynayn Somaliland

focus

Dawladda UK ayaa ku wargelisay muwaadiniinteeda in fiisaha ay Soomaaliya bixiso aanu ka shaqaynayn Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland, Sida lagu caddeeyay warbixin socdaal oo ka soo baxday dawladda Ingiriiska.

Dawladda UK waxay si buuxda muwaadiniinteeda doonaya inay booqdaan Somaliland u xaqiijisay In eVisa ay Soomaaliya bixiso aanu ka shaqeynayn, lagana aqbalaynin in lagu galo Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, dawladda Ingiriisku waxa dadkeeda ay kula talisay haddii ay doonayaan inay safraan Somaliland ay iibsadaan fiisaha Jamhuuriyadda Somaliland marka ay tagaan Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, fiisahaasi oo ay hal mar ku geli karaan (single-entry visa), kaasi shaqeynaya muddo bil ah.

Dawladda UK waxay sidoo kale ku talisay in dadka qorsheynaya safarka ay si toos ah ula xidhiidhaan mas’uuliyiinta Somaliland ama hay’adda martiqaadaya, si ay u xaqiijiyaan shuruudaha gelitaanka ee hadda jira, maadaama ay xeerarka fiisaha Somaliland iyo Soomaaliya kala madax bannaan yihiin.

More in focus

To Top