focus

Wefti Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Maalintii Labaad Ku Sugan HARGEYSA Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Published on

(SLT-Hargeysa)-Waxaa maalintii labaad ku sugan magaalada Hargeysa weftigii uu hoggaamanayay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.

Ujeeddada socdaalka weftiga, cidda soo dhaweysay iyo cidda ay la kulmeen illaa hadda xukuumadda Somaliland war iyo sawir midna kama soo saarin.

Socdaalka weftigan ayaa ku soo beegmayaa hal maalin kadib markii madaxweynaha Somaliland uu sheegay in aanay aqbalayn in uu Hargeysa yimaaddo madaxweyne Farmaajo.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa la sheegay in uu doonayay in uu Hargeysa yimaaddo Farmaajo, hase ahatee isku daygaas ayay Somaliland si adag u diidday.

Copyright © 2020 Somaliland Today.