focus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Beenisay In FARMAAJO Imanayo Hargeysa

Published on

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland waxay beenisay wararka sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu imanayo magaalada Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Liibaan Yuusuf ayaa bartiisa Twitter kusoo qoray hadalkan.

“Inuu Farmaajo imanaayo Hargeysa runtii waa riyo maalmeed Iyo hawlgal aan suurta gal aheyn, xukuumada Somaliland waxay u taagan tahay Inay Difaacdo Madaxbanaanideeda Iyo jiritaanka xuduudaheeda wax kasta oo ay ku kaceyso, waxaan u mahad celinayaa shacabka reer Somaliland ee wadaniyada iyo feejignaanta badan”

Copyright © 2020 Somaliland Today.