Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Donald Trump Oo Sheegay Inuu Adkeyn Doono Bixinta Dhalashada Dalka Maraykanka

focus

Madaxweyne Donald Trump Oo Sheegay Inuu Adkeyn Doono Bixinta Dhalashada Dalka Maraykanka

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu bedalo Dastuurka dalkaasi Maraykanka ee xaquuqda dhalashada siinaya caruurta ku dhalata dalkaasi.

Hadalka kasoo yeeray Trump ayuu kusoo beegay xili ay asbuuc ka harsan tahay doorashada Kongareeska iyo Gobalada dalkaasi oo ay sanadkan si weyn ugu loolamayaan xisbigiisa Jamhuuriga oo ka cabsi qaba inuu dhumiyo Aqlabiyada Kongareeska iyo Dimuquraadiga oo wada olole xoogan.

Trump ayaa qorshahan cusub ku dhawaaqay xili maalmihii lasoo dhaafay cadaadis iyo cambaareyn xoogleh kala kulmay bulshada kadib markii qaar kamid ah taageerayaashiisa ay geysteen weerarkii lagu qaaday xarun ay Yahuuda ku cibaadeystaan oo ku taal magaalada Pittsburgh iyo waliba bambaanooyin loo kala diray siyaasiyiinta mucaaridka ku ah Trump & hogaanka xisbiga Dimuquraadiga.

Donald Trump ayaa sheegay in doorashadan qodobka ugu weyn uu ololaha ku galayo xisbigiisa ay tahay ka hortaga dadka soogalootiga ah iyo qaxootiga imaanaya wadankaasi Maraykanka, waana midaasi arrinta sababtay inuu mid kamid ah taageerayaashiisa uu weerar ku qaado xarunta Yahuuda ee magaalada Pittsburgh oo ay xafiis ku lahaayeen hay’ad caawisa dadka qaxootiga ah.

“Maaha Ilmo kasta oo ku dhasha Maraykanka iska helo Dhalashada”

Wareysi uu bixiyey Trump ayuu ku sheegay inay khalad tahay in qaxootiga yimaada Maraykanka caruurta ay ku dhalaan dalka isla markiiba qaataan dhalashada dalkaasi sida uu qorayo qodobka 14aad ee Dastuurka Maraykanka, isagoo sheegay inuu Dikareeto Madaxweyne ku joojin doono sharcigaasi ku qoran Dastuurka.

Waxaase su’aalo badan laga keenay in Trump uu awood u leeyahay inuu gacantiisa ku bedalo dastuurka Maraykanka oo wax ka bedalkiisa ay tahay sharciyan in loo maro Kongareeska.

Madaxweynaha ayaa booqasho ku tagay magaalada Pittsburgh oo shalay lagu qabtay aas loo sameeyey qaar kamid ah dadkii lagu dilay weerarkii magaaladaasi ka dhacay, waxaana Trump iyo xaaskiisa lagala hortagay banaanbaxyo ay dhigayeen shacabka magaaladaasi oo diidanaa inuu Trump halkaasi booqdo xili lagu jiro baroordiiqda, iyagoo ku eedeyey Trump inuu yahay ninka sababta u ah xiisada iyo cadaawada xiligan kala qeybisay shacabka dalkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top