Connect with us

somalilandtoday.com

Xubno Wasiirro Ah Oo Boorama Kulan Kula Yeeshay Laba Guddi Oo Gobolka Awdal Ah

focus

Xubno Wasiirro Ah Oo Boorama Kulan Kula Yeeshay Laba Guddi Oo Gobolka Awdal Ah

Xubno Wasiirro Ah Oo Boorama Kulan Kula Yeeshay Laba Guddi Oo Gobolka Awdal Ah

(SLT-Boorama)-Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada ayaa magaaladda Boorama kulan kula yeeshay Gudiyada amniga iyo Guddida ka hortaga heer gobol ee Xannuunka Covid19.

Kulankaas ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa Nabadgelyada gobolka isla markaana looga hortagi lahaa xanuunka covid-19.

Xubnaha golaha wasiirada ah ee guddiyadaasi kulanka kula qaatay Boorame waxa kamid ahaa Wasiirka horumarinta caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi, Wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed, iyo wasiirka Ganacsiga wershadaha iyo dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajan).

Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in shirkaasi lagaga hadlayay Nabad gelyada iyo sidoo kale shirk u saabsan xaaladda caafimaad ee gobolka iyo ka hortagga covid-19.

Wasiirka horumarinta caafimaadka Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa sheegay in xaaladda xanuunka coronavirus ay maraysi mid khatar badan oo uu bulshada dhexdeeda ku fidayo. Waxaanu usoo jeediyay inay bulshadu raacdo tilmaamaha caafimaadka ee ku saabsan ka hortagga xanuunka covid-19.

More in focus

To Top