Connect with us

somalilandtoday.com

Masar ma waxay wadaa qorshe Itoobiya lagu go’doominayo?

focus

Masar ma waxay wadaa qorshe Itoobiya lagu go’doominayo?

Masar ma waxay wadaa qorshe Itoobiya lagu go’doominayo?

Waxa sii xoogeysanaya walaaca Itoobiya ka qabto in Masar oo adeegsanaysa dalal la deris ah Itoobiya in ay qayb ka noqdaan xeelad ay Masar doonayso in ay ku go’doomiso Itoobiya oo ah dal aan lahayn Bad.

Masar ayaa badhtilmaameed ka dhigatay in ay Dalalka Somalia iyo Suudan oo ah kuwa wakhtigan duruufo kala duwan haystaan, in ay taageero iyo saaxiibtinimo u muujiso, iyada oo qorshaheeda kama dambaysta ahina yahay sidii ay cadaadis iyo culays u dul keeni lahayd Itoobiya oo ay si weyn iskugu hayaan Biyaha Niilka.

Taageerada labadan Waddan ay Masar siinayso ayey khuburada dhinaca amnigu ku tilmaamayaan in ay noqon karto mid ay marka dambe u adeegsato qorshe istiraatiji ah oo ay joogitaan rasmi ah oo milateri ku yeelan karto dalalkaasi.

Falanqeeyeyaasha dhinaca Amniga waxa ay tusaale u soo qaateen in Masar oo dhex-dhexaad ku metelaysa xaaladda Dalka Suudaan in ay markii dambe si toos ah ula safatay labada dhinac ee halkaas ku dagaalamaya mid ka mid ah.

Masar ayaa u aragtay in ay hoos u dhici karto loollankeeda Niilka haddii Suudaan lagaga adkaado Ciidamada Dawladda, iyada oo hub iyo taageero milateri oo toos ah siisay Ciidamada Dawladda.

Dhinaca kale, taageerada iyo qaabka nabad ilaalinta ee Masar doonayso in ay Somalia ku soo gasho, ayey sidoo kale falanqeeyeyaasha Ammaanka ee Itoobiya ku tilmaameen in ay tahay xeelad ay doonayaan in ay culays ciidan oo kale dhinaca Somalia ka soo saaraan Itoobiya.

Masar ayaa waxa kale oo ay joogitaan yeelanaysaa Jabuuti iyo Eritrea oo xad la wadaaga Itoobiya, taas oo iyada walaac hor leh ku abuurtay Itoobiya Arrintan ayey Masar ku doonaysaa in ay ku dhisto go’doomin istaraatiiji ah oo ay geliso Itoobiya, oo iyadu raadinaysa meel ay badda ka gaadho, taaso oo Masar u aragto khatar amni oo u raacaysa ta Biyo xidheenka Itoobiya samaystay oo khatar nololeed u aragto.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top