Warbaahinta caalamiga ah ee Horn Business Insights ayaa si cad u sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay tusaale gaar ah oo ka dhex ifaya Geeska Afrika:
Waxay iftiimisay in ay tahay dal aan weli helin taageero caalami ah, balse leh xasillooni siyaasadeed, nidaam dimuqraadi ah, iyo koboc dhaqaale oo sii xoogaysanaya.
Isla markaana ay si aamusnaan ah u dhisayso mustaqbal ku dhisan nidaam dawladnimo oo casri ah, isku-filnaansho, iyo aragti fog. Waxa kale oo ay intaasi raacisay warbixintu “Dekedda Berbera waa halbowlaha iyo Laf-dhabarta kobaca Istaraatiijiyadda Dhaqaalaha Somaliland. Dekedda Berbera waxay ku taallaa marin badeed caalami ah oo isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.
Waxaanay noqotay xarun ganacsi oo u adeegta Somaliland, Itoobiya, iyo gobolka oo dhan, iyada oo soo jiidatay maalgashi caalami ah, gaar ahaan Imaaraadka Carabta iyo xulafadiisa. Berbera maaha oo keliya deked, balse waa astaan muujinaysa in Somaliland ay fahamsan tahay juqraafiyadda, ganacsiga, iyo awoodda istaraatiijiga ah.” Sidoo kale waxay sheegtay in aqoonsiga Israa’iil uu sare u qaaday mustawaha siyaasadeed ee Somaliland isaga oo si dhab ah u gaadhsiiyay miiska siyaasadda caalamiga ah, isla markaana uu muujiyay in aqoonsigu mararka qaar ka yimaado dan wadaag iyo xasillooni, waxaana lagu yidhi “Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland wuxuu ahaa tallaabo taariikhi ah oo beddeshay aragtida caalamiga ah.
Israa’iil waxay u aragtay Somaliland lammaane xasilloon, iyada oo tallaabadani ay furtay dood cusub oo ku saabsan xaqa madax-bannaanida Qarankan, taas oo Somaliland gelisay miiska siyaasadda caalamiga ah si ka xoog badan sidii hore.
Tallaabadan waxay muujisay in aqoonsigu mararka qaar ka bilaabmo dan wadaag iyo xasillooni, halkii uu ka ahaan lahaa cadaadis siyaasadeed.” Horn Business Insights waxa ay intaasi raacisay “Dunidu, gaar ahaan quwadaha gobolka iyo kuwa caalamka, waxay si isa soo taraysa ula socdaan Somaliland, sabab la xidhiidha isku-darka xasilloonida siyaasadeed, juqraafi istaraatiiji ah, iyo fursado dhaqaale.
Imaaraadka Carabta waxay u aragtaa Somaliland albaab ganacsi iyo deked istaraatiiji ah oo xoojinaya saameynteeda Badda Cas iyo Geeska Afrika, gaar ahaan iyada oo loo marayo Dekedda Berbera. Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn, waxay Somaliland u aragtaa marin badeed muhiim ah iyo furaha isku xidhka dhaqaale oo yareyn kara ku-tiirsanaanta dekedaha kale ee gobolka.
Dhanka Mareykanka, Somaliland waxay u taagan tahay xuddun xasilloon oo lagu xoojin karo amniga, laguna taageeri karo la-dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xasilloonida guud ee gobolka.
Isku darka danahaas ayaa ka dhigaya Somaliland meel ay indhaha caalamku si gaar ah ugu soo jeedaan. Dhammaantood waxay si dhow ula socdaan Somaliland, iyagoo u arka xuddun xasilloon oo ay ka dhex dhalan karaan fursado waaweyn.” Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in warbixinaha la xidhiidha Somaliland ay muujinayaan xaqiiqooyin dhab ah, waxaana lagu yidhi “Sheekada Somaliland waxay caddaynaysaa xaqiiqo muhiim ah:
Waxay muujinaysaa dhacdo cajiib ah oo ay dunidu cashar ka baran karto. Somaliland waxay dhistay Qaran shaqaynaya iyadoo aan haysan aqoonsi caalami ah; Kursiga Qaramada Midoobay iyo deeqo ballaadhan oo caalami ah. Haddana Somalialnd waxay dhistay: Nabad waarta, Dhaqaale sii koraya iyo aqoonsi ku saleysan waxqabad, maaha waraaqo.” Waxaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta caalamiga ah ee Horn Business Insights “Somaliland ma sugayso in dunidu u fasaxdo mustaqbalkeeda. Waxay dooratay: Isku-filnaansho; Xasilooni iyo Dhisme qaran oo hoosta laga soo unkay, si weyna u kobcaya.
Mustaqbalka Qarsoon ee Somaliland ma aha riyo, balse waa geeddi-socod dhab ah oo si tartiib ah u qaabaynaya qaran adkeysi leh. Aqoonsigu wuu iman karaa ama wuu daahi karaa, balse Somaliland mar hore ayay caddeysay in barwaaqo, sharaf, iyo dowladnimo lagu kasban karo ficil, maaha sugitaan.”