Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland: Xudunta Istaraatiijiyadda iyo Dhaqaalaha Geeska Afrika

focus

Somaliland: Xudunta Istaraatiijiyadda iyo Dhaqaalaha Geeska Afrika

Somaliland: Xudunta Istaraatiijiyadda iyo Dhaqaalaha Geeska Afrika

Somaliland waxay noqotay xuddun muhiim u ah ganacsiga caalamka, marka la eego goobta ay ku taal oo ah marin saameyn weyn ku leh dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo shidaalka adduunka.

Xogta Juqraafiyadeed ee Somaliland

Somaliland wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 177 kun oo kiiloomitir oo laba jibbaaran, iyada oo dhaca xeebta koonfureed ee Gacanka Cadmeed. Muhiimaddiisa ugu weyn waxay ka timaaddaa u dhawaanshaha marinka Bab al-Mandab, taas oo ka dhigaysa isku xidhe muhiim ah oo u dhexeeya Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.Saamaynta ay Somaliland u leedahay Ganacsiga CaalamkaSida ku cad xogta dhaqaale ee ugu dambaysay, doorka Somaliland ku leeyahay gaadiidka badda

Dhaqdhaqaaqa Maraakiibta:

Sannad kasta waxa marinkaas mara ku dhow Xeeaha Somaliland 21,000 oo markab oo ganacsi.

Shixnadaha iyo Badeecadaha:

Waxa halkaas mara rubuc ka mid ah shixnadaha caalamiga ah ee u kala goosha qaaradaha Aasiya, Yurub, iyo Afrika, iyada oo tirada badeecaduhu ay ka badan tahay hal bilyan oo tan.

Konteennarrada:

Somaliland waxay marin u tahay 30% ka mid ah dhaqdhaqaaqa maraakiibta konteennarrada qaada ee caalamka.

Xarunta Shidaalka Adduunka

Xogta sannadkii 2023 waxay muujineysaa in 12% ganacsiga saliidda ee badda lagu kala qaado uu maro deegaankan. Maalin kasta, waxa marinkaas ka gudba qiyaastii 8.6 milyan oo foosto oo shidaal ah, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee amniga tamarta adduunka.Source:Aljazeera Economy

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

More in focus

To Top